Dalmar ma shaqaynayo – maxaan sameeyaa?

Modified on Sun, 7 Jun at 9:52 AM

Haddii adeegga roaming-kaagu aanu shaqaynayn adigoo dibadda jooga, fadlan isku day tallaabooyinkan:

1. Dami OO Daar  telefoonkaaga

  • Demi telefoonka kadibna shid mar kale markaad gaadho waddanka aad joogto.

2. Daar Roaming-ka

  • Gal Settings-ka telefoonkaaga.
  • Hubi in Data Roaming iyo Mobile Network ay shidan yihiin.

3. Gacanta ku dooro shabakadda
Waddamada qaar waxay u baahan yihiin inaad si gacanta ah u doorato shabakadda:

  • Fur Settings
  • Mobile Network
  • Network Operators
  • Demi Automatic Selection
  • Dooro shabakad ka mid ah kuwa ay Somtel la wada shaqeyso.

4. Hubi hadhaagaaga

  • Xaqiiji in lambarkaagu leeyahay hadhaag ku filan isticmaalka roaming-ka.

5. Hubi SIM-ka ama eSIM-ka

  • Xaqiiji in SIM-ka ama eSIM-ka Somtel uu si sax ah u shaqaynayo oo firfircoon yahay.

6. Tijaabi adeegyada
Isku day:

  • Wicitaan samayn
  • SMS dirid
  • Isticmaalka eDahab ama koodhadhka USSD ee Somtel

7. Hubi daboolka shabakadda

  • Adeegga roaming-ku kama shaqeeyo dhammaan waddamada ama goobaha qaarkood.

Muhiim:

  • Xidhmooyinka internet-ka ee gudaha dalka laga iibsado badankood kama shaqeeyaan roaming-ka.
  • Adeegyada qaarkood waxay ku xiran yihiin helitaanka iyo tayada shabakadda waddanka aad joogto. 


cabasho sheri ah Adeegga daryelka Macaamiisha Somtel:

call                         whatisApp

(65) 111, 333                  652000000 

(62)151, 152                   624666666 

(66) 100                            664000000 


• Email: Support@somtelnetwork.net

 

Was this article helpful?

That’s Great!

Thank you for your feedback

Sorry! We couldn't be helpful

Thank you for your feedback

Let us know how can we improve this article!

Select at least one of the reasons
CAPTCHA verification is required.

Feedback sent

We appreciate your effort and will try to fix the article